top of page

Xaaladda Haweenka Soomaaliya

Waxaa la qiyaasay inay Soomaaliya tahay meesha ugu xun adduunka ee hooyo lagu noqdo. Warbixin loogu magac daray "Xaaladda Hooyooyinka Adduunka" oo ay sannad kasta daabacdo Save the Children ayaa la isku barbardhigay 179 waddan, hadday noqoto dhinaca caafimaadka hooyada, dhimashada carruurta yaryar, waxbarashada, heerka dhaqaalaha soo gala iyo ka qayb galka siyaasada. Soomaaliya waxay gashay lambarka ugu hooseeya.

"Khatarta ugu badan ee haweeneyda Soomaaliyeed maanta soo foodsaari kartaa waa inay hooyo noqoto. Marka ay haweeney uur yeelato nolosheedii boqolkiiba konton khatar bay ku jirtaa waayo haba yaraatee iyadu daryeel caafimaad ma haysato (inta ay uurka leedahay iyo wakhtiga umushaba). Cisbitaalo ma jiraan, oo daryeel caafimaad ma jiro, maya, waxba ma jiraan. Tan ku dar ficillada kufsiga ah ee maalin kasta dhaca, gudniinka fircooniga ah ee lagu sameeyo gabadh kasta oo Soomaaliya ku sugan. Ku dar macaluusha iyo abaaraha. Ku dar dagaalka joogtada ah (tan oo macnaheedu yahay) inay iyadu daqiiqad kasta, maalin kasta dhimasho khatar ugu jirto." Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka ee Soomaaliya, Maryam Qaasim.


  • 95% oo haweenka Soomaaliya ku nool ah waxaa lagu sameeyaa gudniinka fircooniga ah, badanaa marka ay da'doodu u dhaxayso 4 ilaa 11 sanno, oo 9% keliya ayaa ku dhala xarun caafimaad (UNICEF).

  • 65% oo haweenka ah ayaa sheegay in la furay, sida lagu qoray sahamin ay Raadiyaha Ergo ku samaysay 165 haween ah oo ku kala nool 11 magaalo oo Soomaaliya ah.

  • Dagaalka, rabshada, iyo dhibaatooyinka kale (oo dilkunka ku jiro) ee lagula kaco haweenka Soomaaliya waa kuwa ugu badan marka Afrikada kale la barbardhigo, sida ay sheegtay hay'adda Somali Women Development Centre, tan oo caawisaa haweenka la dhibaateeyey.

  • Kufsiga: Warbixin ay 2013 daabacday hay'adda Human Rights, ayaa sheegtay inuu kufsigu "caadi" ka yahay Soomaaliya. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 6-dii bilood ee sannadkaa ugu horreeyey, Xamar oo keliya laga diiwaan geliyey 800 oo dhacdo oo ah dhibaato haweenka lagula kacay oo dembiyada galmada la xidhiidhaana ku jiraan. Tirada dhabta ahi intan way ka sarraysaa. Dhibanayaal badani ma sheegaan kufsiga iyo faraxumaynta kale waayo kuma kalsoona hay'adaha caddaaladda, ama maba oga tashiilaadka caafimaad iyo kuwa caddaaladeed ee jira. Waxay kaloo ka cabsanayaan ceebeyn iyo aargoosi haddii ay kufsigaa sheegaan.

  • Sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Carruurta ee UNICEF ilaa saddex meeloodow meel dadka kufsiga iyo faraxumaynta lagula kaco Soomaaliya waa carruur.

  • Haweenka Soomaaliya waxaa lagu cadaadiyaa shuruucda Islaamka oo ay si qalafsan u turjumeen kooxo diimeedku, gaar ahaan kooxda xag jirka ah ee Al-shabaab. Dhacdo adduunka argagax ku ridey waxay ahayd markii ay 2008 kooxda Al-shabaab dhagax ku dileen gabadh yar oo 13 jir ah oo la kufsaday, iyaga oo iyada ku eedeeyey inay sinaysatay.

  • Iyadoo dhibaatooyinkan iyo kuwo badan oo kale jiraan, ayaa marka ay haweeneyda Soomaaliyeed Masiixi noqoto waxaa iyada soo wajaha ciqaabta ugu xun.

Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Er zijn nog geen tags.
Follow Us
  • Facebook Basic Square
bottom of page