top of page

Gudniinka Gabdhaha 1: Ka Ogow Siddeedan Arrimood!

“Wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dheddig ah:

wuuna barakeeyey iyagii” (Bilowgii 5:2).

Dadka Soomaalidu meel kasta oo ay ku nool yihiinba waxay iskaga mid yihiin ku dhaqanka caadada xun ee ah gudniinka gabdhaha. Warbixinada qaarkood ayaa sheegaya in 95% gabdhaha Soomaaliya ku nool la gudo. Xataa, Soomaali badan oo qurbaha ku nool ayaa gabdhahooda Bariga Afrika dib ugu celiya wakhtiyada ay iskuulladu fasaxa yihiin si ay halkaa ugu soo gudaan halka qaarkoodna isla qurbaha lagu gudo. Baadhitaan la sameeyey, waxaa la ogaadey in waddanka Ingiriiska oo keliya sannadkiiba lagu gudo ugu yaraan 66,000 dumar ah ama gabdho yaryar ah, kuwan oo badankoodu ka yimid waddammada Soomaaliya, Masar, Eriteriya, Itoobiya, Ciraaq, Kenya, Induniisaya, Gaambiya, Keenya, Laybeeriya, Maali, Nayjeeriya, Koonfurta Suudaan, Baagistaan, Siiraaliyoon, iyo Yaman.

Qarammada Midoobey waxay gudniinka gabdhaha u aqoonsatay aafo caalami ah, waxayna 6-da Feebaraayo u qoondeysay inay noqoto International Day of Zero Tolerance to Female Genital Mutilation” maalintan oo loogu talogalay in dadka lagu baraarujiyo khatarta uu leeyahay hab-dhaqankan gudniinka gabdhuhu iyada oo la hiigsanayo in adduunka laga dabargooyo ugu dambayn sannadka 2030-ka. Aynu ogaano siddeed arrimood oo la xidhiidha caadadan shaydaanka ka timid ee gabdhaha iyo dumarka dhaawaca xun loogu geysto:

1. Gudniinka Gabdhahu waa goynta qayb ama guud ahaanba qaybta kore/dibedda ah ee xubinta taranka ee gabadha. Caadadan way ka siman yihiin dadyowga dhaqammada iyo diimaha kala duduwan haystaa, waxayna salka ku haysaa caadooyin qadiim ah oo ka horreeyey diimaha Masiixiyadda iyo Islaamka. Ujeeddadada muhiimka ah ee laga leeyahayna waa la xaddido (to control) ama la xanibo jidhka dumarka. Ma jiro wax faa’iido caafimaad ah oo laga helo gudniinka gabdhaha, waayo gabadha jidhkeedii ayaa la dhaawacay oo laga gooyey qayb caafimaad qabta, sidaa daraadeed waxaa la aqoonsaday inay caadadani meel ka dhac ku tahay xuquuqda bini’aadanka.

2. Bulshooyinku magacyo kala duduwan bay caadadan u yaqaaniin. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxay u kala qaybiyaan "gudniinka fircooniga" oo qaybta sare ee xubinta taranka la goynayo dabadeedna gabadha la tolayo, iyo "gudniinka sunaha ah" oo qaybta sare oo keliya la wada goynayo ama qaarkeed la jarayo. Si kastaba ha ahaatee, caadadani waxay dhaawac xun u geysataa gabadha. Bulshooyinka qaarkood waxaa caadadan hirgeliya dumar da’ ah.

3. Bulshooyinka qaarkood waxaa gabdhaha la gudaa inta aanay 14 sanno gaadhin. Warbixin ay Unicef soo saartay 98% gabdhaha Soomaaliya ee 15 sanno jirka ah waa la gudan yihiin, halka Jabuuti ay ka tahay 93%.

4. Nooca koowaad ee gudniinka gabdhuhu waa jaridda kintirka gabadha oo dhan, iyo xataa mararka qaarkood goynta haragga ku hareeraysan kintirka.

5. Nooca labaad ee gudniinka gabdhuhu waa jaridda kintirka iyo farruuryaha yaryar iyo kuwa waaweyn.

6. Nooca saddexaad ee gudniinka gabdhuhu waa jaridda kintirka, faruuryaha iyo tolliin. Waxaa keliya oo la reebaa dalool yar oo ay ka soo baxaan kaadida iyo dhiigga caadadu.

7. Gabdho badan ayaa waxaa lagu gudaa sakiin ama mindiyo daxaleystey oo aan nadiif ahayn iyada oo aan gabdhaha la suuxin. Waxaa dhici karta inay magaalooyinka waaweyn qaarkood shaqaale tababarani gudniinka fuliyaan.

8. 100 ilaa 140 malyuun gabdhood oo adduunka ku nool ayaa halis ugu jira in la gudo. Caadadani waxay inta badan ka jirtaa waddammada Afrika (oo ugu yaraan 28 waddan lagaga dhaqmo), qaybo Bariga dhexe ah, iyo Koonfur-bari Aasiya. Waxaa kaloo gudniinku ka dhex jirtaa bulshooyinka u haajirey waddammada reer Galbeedka, sida Maraykanka.

La soco qoraalladeena soo socda ee isla mowduucan ka hadlaya.


Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Er zijn nog geen tags.
Follow Us
  • Facebook Basic Square
bottom of page