top of page

Gudniinka Gabdhaha 3: FIKRADDA MASIIXIYIINTA

Dhowr maalmood ka hor, 6-dii Febraayo 2018, ayaa Qaramada Midoobey xustay “Maalintii Cidhibtirka Gudniinka Dumarka.” Arrinta welwelka leh ee warbixintii ugu dambeysey lagu xusay waa in Soomaaliya (98%) iyo Jabuuti (93%) ay kaalinta 1-aad iyo ta 3-aad kaga jiraan waddamada ay gabdhaha iyo dumarka 15-49 sanno jirka ahi, khatarta ugu badan ugu jiraan gudniinka. Laba qoraal oo hore ayaanu kaga soo hadallay gudniinka dumarka iyo waxyeellooyinkiisa, haddana waxaynu eegeynaa waxa ay Masiixiyiintu ka aaminsan yihiin caadadan.

Ma jirto meel ay Erayga Ilaahay ee Baybalka kaga qoran tahay in haweenka la gudo. Ilaahay wuxuu Eraygiisa ku caddeeyey in muhiimadda koowaad la siiyo ilaalinta sharafta iyo qiimaha jidhka bini’aadanka. Sidaas oo ay tahay, way jiraan bulshooyin Masiixiyiin ah oo ku nool Masar, Nayjeeriya, Tansaaniya iyo Kiiniya oo ku dhaqma gudniinka dumarka. In kasta oo aanay diintu farin, haddana waxay u haystaan inay ficil diimeed samaynayaan ay ku ilaalinayaan bikranimada gabdhaha. Muslimiinta Sunniga ahi waxay badanaa soo daliiliyaan Xadiis ay ku taageerayaan ku daqanka gudniinka dumarka, haddana lama odhan karo caadadani waa mid Muslimiinta uun ku kooban. Meel kastaba ha lagaga dhaqmo ama sabab kastaba ha loo sameeyee, xaqiiqadu waa in gudniinka dumarku nooc kastuu yahayba, xadgudub ku yahay xuquuqda bini’aadanka, oo ay tahay in lala dagaallamo ilaa iyo inta laga cidhibtirayo.

Ka soo horjeedida Masiixiyiinta ee gudiinka dumarka ku aaddani waxay ku dhisan tahay qodobbadan ku sallaysan Erayga Ilaahay ee Baybalka:

1. Ilaalinta nolosha iyo caafimaadka: Erayga Ilaahay wuxuu na barayaa wanaagga abuuritaanka Ilaahay, oo uu bini’aadankuna ku jiro, “Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeene” (Bilowgii 1:31). Ilaahay wuxuu bini’aadanka ka abuuray u ekaanshihiisa wuuna karaameeyey, Isaga ayaana ah ka gacanta ku haya. Isagu raalli kama aha inaynu isku dayno inaynu hagaajino jidhka haweeneyda ee uu sidaa u wanaagsan u sameeyey innaga oo ka duuleyna damacyadeena ama doonisteena bini’aadanimo.

Jidka bini’aadamku waa “macbubdka Ruuxa Quduuska ah” (1 Korintos 6:15-19). Kuwa Ilaahay aaminsan waxaa lagu amray inay jidhadhkooda daryeelaan oo dhowraan, tan oo ay ku jirto hadiyadda xagga galmada oo ah mid ay tahay inaynu u isticmaalo sidii uu Ilaahay ugu talogalay. Maaddaama uu gudniinka dumarku khatar ku yahay caafimaadka iyo nolosha, oo uu dhaawac u geysto hab-galmeedka haweeneyda, wuxuu markaa ka soo horjeedaa doonista Ilaahay.

2. Ilaalinta barakada ku-raaxaysiga guurka: Erayga Ilaahay wuxuu maamuus siiyaa ku raaxaysiga galmada guurka sida uu Ilaahay ugu taloglay, “Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow” (Maahmaahyadii nebi Suleymaan 5:18). Waa in gudniinka dumarka la eedeeyaa, waayo wuxuu waxyeello soo gaadhsiinaysaa talogalkii Ilaahay ee ahaa in labada qof ee is qabaa ku raaxaystaan guurkooda dhinac kastaba, oo ay ku jirto galmadu. Xaaska la gudey darteed, waxaa dhici karta inuu ninku ku qanci waayo sarriirta oo dembi gogol-dhaaf ah sameeyo, “Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa” (Cibraaniyada 13:4).

3. Taran caafimaad leh: Lamaanaha is qaba waxaa la siiyey hadiyadda galmada, tan oo iyaduna sababaysa barakada ah carruur u dhalata, “Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa” (Sabuuradii 127:3). Maaddaama in gudniinka dumarku khatar geliyo dhalmada dumarka, tani waa sabab kale oo ay tahay in caadadan looga hortago.

4. Difaaca dadka nugul: Erayga Ilaahay wuxuu ina barayaa inaynu dadaal dheeraad ah u galo ilaalinta dadka u nugul in xuquuqdooda la duudsiyo sida carruurta, oo ay ku jiraan gabdhaha yaryar, kuwan oo dhibaatada ugu badani ka soo gaadho gudniinka, “Ilmo yaryar ayay u keeneen {Ciise Masiix} inuu taabto, xertuna way canaanatay. Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono. Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey” (Markos 10:13-16).

5. Daryeel naxariis ku sallaysan: Amarka ah inaanu deriskayaga jeclaano; tan oo macnaheedu yahay qof kasta oo bin’aadan ah, ayaa Masiixiyiinta ku boorineysa inay si naxariis leh u daryeelaan kuwa la dhaawacay, “Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro (Luukos 4:18). Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu daryeel siineynaa haweenka ay caadadan xun ee gudniinku soo gaadhsiisey xannuun jidh ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba.

6. Sheegidda runta: Waxaa Masiixiyiinta loogu yeedhay inay si jacayl ku dhisan runta Ilaahay dadka ugu sheegaan, “Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa” (Efesos 4:25). Erayga Ilaahay ee Injiilku wuxuu dadka ka xorraynayaa been kasta oo dadka lagu dulleeyo (Luukos 8:31-36). Markaa, Masiixiyiintu waxay kaalin firfircoon ka qaadanayaan qaybinta warbixino sax ah oo ku saabsan dhaawaca uu keeno gudniinka dumarku iyo fikradaha khaldan ee ay caadadani ku sallaysan tahay.

7. Tixgelinta dhaqammada: Waa inay Masiixiyiintu tixgeliyaan oo u dhug lahaadaan kala duwanaanta dhaqammada, sidaas oo ay tahay, waxaanu rumaysannahay in ay qaynuunnada Ilaahay ka sarreeyaan caadooyinka dhaqammada, “Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?” (Matayos 15:3). Qorniinka Ilaahay ayaa na hoggaaminaya ­­— in kasta oo aanu aragno in gudniinka dumarku salka ku hayo dhaqammo badan, haddana waxaanu aaminsannahay inay caadadani lid ku tahay qaynuunada Ilaahay.

Maaddaama uu gudniinka dumarku geysto waxyeelo xagga jidhka, niyadda, iyo xidhiidhkabaha ah — Masiixiyiintu waxay siyaallo kala duduwan door weyn ugaga jiraan sidii loola dagaallami lahaa caadadan, oo kuwa waxyeelladdu soo ka soo gaadheyna loogu soo celin lahaa sharaftoodii bini’aadanimo.

Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Er zijn nog geen tags.
Follow Us
  • Facebook Basic Square
bottom of page