top of page

Gudniinka Gabdhaha 2: DHIBAATOOYINKIISA

Miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin, waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.” (1 Korintos 6:19,20).

Qoraalkeenii kan ka horreeyey waxaynu ku soo qeexnay gudniinka gabdhaha, sababaha, noocyadiisa, iyo sida uu bulshooyin kala duduwan caado ugu yahay. Haddana, waxaynu si kooban uga hadlaynaa dhibaatooyinka kala duduwan ee uu haweenka gaadhsiiyo.

Isla Marka Gabadha la Gudo:

  • Naxdin weyn (shock)

  • Baqdin

  • Xanuun

  • Dhiig bax

  • Dhaawacyo dheeraad ah: Jaritaanka xubnaha gudniinka lagu gooyo, waxaa gabadha yar u dheer in jidhkeeda dhaawacyo kale mindida ama sakiiinta ka soo gaadhaan inta ay xanuunta dartii galgalanayo.

10-Ka Maalmood ee ugu Horreeya Gudahooda:

  • Caabuq: nabarkii oo caabuqa, inay ku dhalato bakteeriya u keenta dhiiggeeda sumooba, iyo cudurka khatarta ah ee Teetanaha oo ay qaado.

  • Kaadida oo ku dhegta: bararka dhaawaca ka dhasha dartii, dhiig oo isku gudba dartii, kaadi mareenka laftiisa oo dhaawac soo gaadho dartii, lugaha gabadha oo la isku xidho darteed, naxdintii maskaxiyanka ahayd ee soo gaadhey darteed, ayaa laga yaabaa inay gabadha kaadidu ku dhegto.

  • Qaliin labaad: marka ay labada dhinac is qabsan waayaan ama tolliinkii xumaado.

Bilowga Dhiigga Caadada:

  • Dhiigga caadada oo ka soo wada bixi waaya: tan oo keenta inay bakteeriya halkaa ka dhalataa caabuq u keento gabadha.

  • Caabuqid kaadi mareenka oo soo noqnoda: daloolka daraadiis ayaa kaadida qaarkeed dib ugu noqotaa xubinta taranka.

  • Gudniin labaad oo laga maarmi waayo: daloolka oo aad u yar oo caadadii iyo kaadidii oo labaduba si fiican u sii dayn waaya wuxuu keenaa inay dhakhtarradu waalidka kula taliyaan in gabdhaha mar labaad la gudo si daloolkaa loo weyneeyo. Waalidiintu taladan badanaa way diidaan waayo waxay ka cabsadaan in daloolka oo la weyneeyaa waxyeeleeyo bikranimadeeda, taas yaraynaysa fursaddeeda guur.

Xilliga Guurka:

  • Galmada oo adkaata: daloolkii yaraa ee inay caadada iyo kaadidu soo maraan loogu talo galay galmadu way ku adkaataa. Tan oo keenta inuu ninku khasbo oo jidhkii gabadhu dilaaco, ama xataa marka dambe ay gaadho in maqas ama mindi gabadha lagu kala gooyo.

  • Hamiga galmada oo gabadha ku yaraada, tan oo xidhiidhka lamaanaha xumaysa.

  • Nabarka furitaankan ka soo gaadha oo keena xanuun joogto ah xilliga galmada.

  • Ma dhalaysnimo: caabuqyadii gabadhu ka qaaday caadadii iyo kaadidii oo aan si fiican uga soo bixi jirin daraaddood ayaa laga yaabaa inay ma dhalaysnimo u keento.

Marka ay Uuraysato:

  • Dhakhaatiirta waxaa ku adkaata inay qofta dumarka ah caafimaadkeeda la socdaan xilliga ay uurka leedahay, waayo daloolkii oo weli yar gudniinkii dartii. Waxaa dhacda inay gabadhaasi u baahato in mar kale la jeexo si daloolka xubinta galmada loo weyneeyo, si ay dhakhaatiirtu caafimaadkeeda ula socon karaan.

Foosha iyo Umullida:

  • Hooyada oo ilmaha lagu qalo, maaddaama uu daloolka xubinta taranku yar yahay ama uu dhaawac soo gaadhay gudniinkii dartii, oo wakhtiga umushana looga cabsi qabo inuu sii dilaaco.

  • Foosha oo ku dheeraata.

  • Caafimaadka ama nolosha ilmaha oo khatar gala wakhtiga umusha.

Umullida Kaddib:

  • Wakhti ayay ku qaadataa inay hooyadu ka soo kabato fooshii iyo umullidii adkayd, oo waxaa dhici karta inay nabarradii ka soo gaadhey caabuqaan oo hore u bogsan waayaan. Dhiiggii badnaa daraaddiis ayaa waxaa kale oo hooyada ku dhici kara dhiig yaraan.

  • Isku-furanka: fooshii adkayd darteed waxaa dhici karta inay futada ama kaadi galeenku u furmaan xubinta galmada.

Khataraha kale ee Gudniinka:

HIV/AIDS: Maaddaama ay dumarka gabdhaha gudaa badanaa isticmaalaan mindiyo ama sakiino aan nadiif ahayn waxaa beryahan khataraha gudniinku fircooniga ah soo gelaya qaadida HIV/AIDS.

Qoraalka kan ku xiga waxaynu ugaga hadli doonaa waxa ay Masiixiyiintu ka qabaan Gudniinka Fircooniga ah.

Featured Posts
Recent Posts
Archive
Search By Tags
Er zijn nog geen tags.
Follow Us
  • Facebook Basic Square
bottom of page